Xildhibaanka cusub ee loo doortay kursiga #Hope49 Mudane Maxamed Cabdi Ali Faarah, waxaa dhalay Gacansade Abdi Ali Faarah oo ah nin si weyn looga yaqaano gudaha dalka iyo dibadaba, wuxuna leeyahay Shirkadda Dayah oo ah shirkad wali shaqeyso iyo hotello iyo maraakiib.
Sida aad la socotaan Waxaa saakay kursiga tirsigiisu yahay Hop049, loo doortay aqoonyahan Maxamed Cabdi Cali Faarax , waxaana kursigan horey u banneeyay xildhibaan Mustaf Dhuxulow.
Xildhibaanka la doortay waxaa dhalay ganacsade Cabdi Cali Faarax, oo ahaa ninkii badbaadiyay nolosha kumanaan Soomaali ah oo dagaal sukeeye ku qabsaday dalka Yemen, waxa uuna dalkaasi u diray maraakiibtiisa oo soo daabulay kumanaan Soomaali ah dalkoodana kusoo celiyay.
Ganacsade Cabdi Cali Farax ayaa horey madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud siiyey biladda qaranka taas oo ku muteestay kadib marki uu dad Soomaaliyeed markab uu lahaa kaga soo qaaday dalka yaman oo ay go’doon ku ahaayeen maadama dowaldda Soomaaliya aysna awoodin in ay soo daad gureyso dadkeyda, waxaa lagu xasuustaa in u ahaa geesi damqasho , sidaas darteed waxaa u duceeyay kumanaan Soomaali ah uu garab istaagay xilligii ay u baahnaayeen.
Hase ahaate Wiilka maanta loo doortay Xildhibaanimada wuxu ku suntan yahay qoys dhaqaale leh islamarkaana aan lagu baran tagrifal awoodey waxaa sidoo kale la rajeenayaa xildhibaanka la doortay Mudane Maxamed Cabdi Cali faarax in uu noqon doono mid la mahdiyo oo wax badan u tara dadkiisa iyo dalkiisa waana dhalinyaro tayo leh aqoontiisa aytahay mid laga shaqeeyey.
Ugu dambeyn beesha Habarcayno waxay heshay aqoon yahay ka bixi kara matalaadooda wuxu ka fogyahay eex iyo nin jecleysi wuxuna yahay shaqsi lagu koriyey aqlaaq iyo diin waxaana lagu doortay saakay magaalada dhuusamareeb , waxaan leenahay hambalyo Xildhibaanka da’yarka ah.
W/Q Mohamed Abdullahi Mohamed (Cukaaash)