Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi oo la hadlay arrimaha Amniga isla markaana Su’aalo laga weydiiyay qabsashadii ‘AS’ Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay qabsan karto balse aanay sii joogi karin.
Cumar waxa uu sheegay in qalad dhacay ay ahayd in ‘AS’ qabsato Degmada Balcad balse la fahmay sidii uu qaladkaas u dhacay, waxa uu tilmaamay in ciidamada xoogga Dalka ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyaga oo diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa howlgalladaas.
Dhul baaxad wayn ayuu shaaciyay in ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ay ka qabsadeen ‘AS’ balse aanay la buunbuunin si lamid ah marka ‘AS’ ay qabsato ama muddo kooban ay joogto deegaannada Ciidamadaas iskaashanaya ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay.
“Balcad way imaan karaan sawirna way ku gali karan AS balse masii joogi karaan, iyaga oo dhaawac wata ayay ka carareen, Webi ayaa mara oo waala soo raaci karaa laakiin lama sii joogi kari.” Sidaasi waxaa yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi.