Qatar” Weerar Lagu Qaado Xarumaha Nukliyeerka Iran Waa Khatar Weyn oo Ku Habsata Gacanka”

Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka ee Iran, isagoo xusay in arrintaasi ay sababi karto dhibaatooyin ba’an oo saameynaya guud ahaan waddamada Gacanka Carbeed.

Advertisement

Digniintan ayaa timid xilli xiisadda gobolka ay cirka isku sii shareerayso, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal dhaco.

Haddii xarumaha nukliyeerka la burburiyo, sunta halista ah ee ka soo baxda waxay sababi kartaa wasakhayn ba’an oo gaarta biyaha Gacanka, taasoo si toos ah u saameyn karta nololsha shacabka ku nool Qatar, Imaaraadka iyo Kuwait.

Biyaha Gacanka oo ah isha ugu weyn ee biyaha laga cabo iyo kalluumeysiga, ayaa la filayaa in ay si xun u wasakhowaan haddii shil nukliyeer ahi dhaco, taasoo halis gelinaysa nololsha malaayiin qof.

Sunta nukliyeerka waxay sidoo kale keeni kartaa cudurro halis ah sida kansarka, dhibaatooyin dhanka neef-mareenka ah iyo waxyeello xagga taranka ah, maadaama ay hawada, biyaha iyo cuntaduba wasakhowi karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here