Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si kulul u cambaareeyay weerarkii Kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday Hotel ku yaala magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ay rag nabadoono, saraakiil ciidan iyo shacab ay ku geeriyoodeen.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay baraha uu ku leeyahay Social Media ha “Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimo ee ay saakay kooxda Argagixisada Alshabaab ka geeysatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan”.
“Ugu horreyn, waxaan xanuunka iyo tiiraanyada la qaybsanayaa ehellada dadkii maanta ay Argagixisadu ku leysay Hotel Qahira oo ku yaalla magaalada Beledweyne, inta dhimatay ilaahey ha u naxariisto, dadkii ay ka baxeenna samir iyo iimaan Alle ha ku arsaaqo, dhaawacyadana Rabbi caafimaad deg deg ah ha siiyo” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kooxda Al shabaab cadow baneystay daadinta dhiiga shacabka muslimka ah, iyagoo beegsada birmageydada iyo dadka aan waxba galabsan, wuxuuna sheegay inuu tusaale cad u yahay in argagixisadu aysan xurmo u hayn dhiiga shacabka muslimka ah, xilligaan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ugu baaqayaa madaxda dowladda Federaalka ah, kuwa dowlad goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed in xoogga la isugu geyo ciribtirka kooxaha Argagixisada ah iyo in laga feejignaado dhagartooda.