Ku dhowaad 70 kun oo ciidanka qalabka sida ah ayaa dowladda u diiwan gashan oo ay kala bar Milateri yihiin.

Ku dhowaad 70 kun oo ciidanka qalabka sida ah ayaa dowladda u diiwan gashan oo ay kala bar Milateri yihiin

Taliyaha ciidanka waxay ahayd inuu hoggaamiyo, guutooyin, ururro, horimo iyo unugyo ciidanka xooga dalka ah, warbixinna ka qaato talisyo iyo hoggaamo, dejiyana istaraatiijayad, qorshe iyo xeel dagaal oo argagexisada looga guulaysto ee ma ahayn in uu dhexjoogo tobaneeyo wiil oo tolkiisa ah oo gaajo, haraad iyo daal ugu dhex dhintay qaraxa argagexisada iyo duqaynta dawlada.

Dagaalka argagexisada wuxuu u baahan yahay istaraatiijiyad ciidan, qorshe xorayn, xasilin iyo maamul is wata ah, abaabul bulsho, iyo ayidaad caalami ah.

Madaxweynaha ayeyna ahayd in uu la yimaado aragti hoggaamineed, xulasho dad waxtar leh, iyo sumcad lagu kasbado taageerada shacabka, laguna dhiirageliyo ciidanka iyo halgamayaasha deegaanka.

Wuxuu kaloo dagaalka argagexisada (counter insurgence) u baahan yahay in la kala saaro dagaalka oo ah hawl amni iyo ciidan, iyo sababtii keentay argagexisada oo ah siyaasad.

Argagexisada goobaha dagaalka waa lagu jebin karaa, waatii sanad ka horba si wayn loo jebiyey, laakiin guusha dagaal waynaha ee lagu ciribtirayo dagaal keliya kuma filna ee waa in la daweeyo sabibihii keenay soo ifbaxooda.

Haddiise, dhinac dagaal lagula jiro, dhanka kalana dhaqankii soo ifbaxooda ka qayb qaatay ka socdo waa adkaanaysaa in la ciribtiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here