Howgalka cusub ee AUSSOM, Muxuu ka baddeli karaa dagaalka ka dhanka ah AS?

Howlgalka cusub ee AUSSOM waa Marxaladda saddexaad ee Ciidanka Afrikaanka ah ee Jooga Soomaaliya, waxa uu howlgalkooda soo billowday Janaayo 2007dii, xiligaas Magaca AMISOM ayay Dalka kusoo galeen.

Waqtigii ciidankaan Afrikaanka ah ay dalka imaanayeen waxa ka jiray dagaal u dhaxeeyay Ciidankii Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd ee garabka ka helayay Kuwa Itoobiya ee aanay ku jirin diiwaanka AMISOM iyo garabyadii ka farcamay Midowgii Maxaakiimta.

Howlgalkii AMISOM waxa uu door firfircoon ka qaatay howlgalladii Gobolka Banaadir, Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle, sanadihii lasoo dhaafay oo ku beegan waqtigii loo baddelay ATMIS waxa uu howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ u gaar ahaan Ciidanka Soomaaliya.

AUSSOM, Waajibka saaran waa in ay la howlgalaan Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda, ciidankaan kooban ayaa loo dejiyay qorshahaas oo fulinteeda looga fadhiyo.

Howlgalkaan AUSSOM wuu ka duwan yahay AMISOM iyo ATMIS maadaama ay ka baxeen ciidamadii Burundi ee kaalinta weyn ku lahaa amniga deegaannada Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo dhaqdhaqaaqa ugu weyn ee ka dhanka ah ‘AS’ uu ka socdo.

Masar oo kusoo biirtay howlgalkaan weli ciidamadeedu ma xiran summadda cagaaran ee howlgalkaan oo waxa ay ka maqan yihiin inta badan ciidamdeeda gudaha Soomaaliya inkasta oo ay usoo xirxiran yihiin Dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo awood buuxda loo siiyay qorshaha ciidamadaan ma sheegin goobta la geynayo, sidoo kale Masar iyo Midowga Afrika ma shaacin halka xoogga ciidamadaan ka imaanaya Waqooyiga Qaaradda Afrika ay saldhiganayaan.

Howlgalka cusub ee AUSSOM, Muxuu ka baddeli karaa dagaalka ka dhanka ah ‘AS? Waa su’aasha ugu weyn ee dad badan dul dhigayaan mar haddii sanadihii lasoo dhaafay xeryahooda ay joogeen oo xitaa 5% ka qaybqaadan howlgallada ka socda gobollada Dalka.

Soomaaliya waxaa isku dulsaaran labo caqabad oo lagu eegayo sida ay uga baxdo, xaqiiqdii waa kuwa isku sidkan waana Soo afjaridda Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee socda waqtiga dheer iyo qabsoomidda Doorasho Dadweyne.

AUSSOM waxaa loo arkaa in ay tahay gacanta caawin karta Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga gudubto marxaladahaas adag, qudhooda waa u dhiirragelin ay door ku yeeshaan natiijada labadaas qodob kasoo baxda haddii lagu guuleysto si ay isugu qoraan taariikhda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here