Howlgaladaasi ayaa dowladdu isku dayaysaa inay kula wareegtay deegano iyo degmooyin oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.
Ceel Cali. Cali fool dheere, Alkowsar, Daarunca, Degmada Ceelbaraf, Deeganka Cadaan laxeey, Boos Hareeri, Biyacadde, Mirtaqwo, Balcad iyo deegaano kale ayaa Al-Shabaab ku qaaday weeraro bishii lasoo dhaafay. Maalintii Shalay oo deegaano hoos taga Degmada Aadan Yabaal waxaa ka dhacayweerar ay ku dhinteen Saraakiil iyo Askar inkastoo Ciidamada ay iska caabiyeen Weerarkaasi.
Dhinacyada Ka Faalooda Misna ku xildheer Arrimaha Amniga iyo Dagaalada waxaa ay sheegayaan in ay tahay Qatar Amni oo aan la iska indho tirikarin Dagaalka ay xiligan Al-Shabaab ku qaadayaan Shabeellaha Dhexe.
Mas’uuliyiinta DFka waxaa ay horay u sheegen in Meelo badan oo Dalka Ka mid ah Ay Coreeyeen Amniga Dalka na uu gaaray heer ay u Saamixi karto Doorosho qof iyo Cod ah.
Su’aalaha Xiligan Miiska Saaran Ee Dhanka Amniga Dalka iyo Fooroshoda Qof iyo Cod Waa mid ay si weyn ugu kala Rayi duwan yihiin hogaanka Talada Dalka haya iyo Saamileyda Siyaasaded Ee Dalka.
Oraah Soomalida ku caan tahay ayaa ah Meel hoo ama Ficil u baahan hadal iyo hanyeri Himilo loogama gaaro.
In laga dhex qudbadeeyo Xurunta Tiyaatiraka qaranka iyo In Hanjabaad iyo Caga jugaleyn ku sucota Siyaasiyiinta iyo Rayi Caamka Guud Xaalka Culeyska Amni Ee soo Foodsaaray Sh.dhexe miyaa maka Kaafin kartaa DFS.
Ama Hanaanka Doorosho qof iyo Cod hitgelinteeda ma ugu suuroobi kartaa iyadoo uu jiro Qilaaf ka Siyaasaded Ee Saameyey Wadajirka iyo Midnimada Dalka