Dagaal xoogan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degaanada Buqdharkayn iyo Yayle oo ka tirsan gobolka Sool.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada Somaliland kuwa Khaatumo
Lama oga qaabka uu dagaalku ku bilowday hase ahaatee maamulka Khaatumo oo war soo saaray ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilaabmay markii saaka ay ciidamada Somaliland soo weerareen xoolo ka cabaya berkadaha Buqdharkayn
War Saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in ciidamada Khaatumo ay ka hortageen weerarkaas ayna la dagaalameen ciidamada Somaliland.