
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya xoogagga deegaanka ayaa guullo waaweyn ka sheegtay dagaal ka dhacay Deegaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka oo la sheegay inay heleen xogta weerar ay Alshabaab ku soo qaadayeen ayaa ka hortagay, waxaana howgalkaas lagu diley ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo xooggan ka wada deegaannada Hirshabelle oo muddooyinkii ugu dambeeyay kooxda Alshabaab ay weeararro is xig xiga ku soo qaadayeen.