Bajaajleyda Muqdisho “Maalin kasta 5 doolar xitaa guryaha laguma biilo, bil Ramadaan waayay inaan isku soo baxno ma rabin ee waa nagula kalifay”.
Qaar ka mid ah Wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa Magaalada Muqdisho ka dhigay Bannaanbax ay kaga soo horjeedaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyaga oo cabasho ka muujiyey lacago dheeraad ah oo lagu soo dalacay, sida hadalka ay u dhigeen.
Wadayaasha Mooto bajaajta ayaa sheegay in lacago badan oo lagu soo rogay, iyaga oo tilmaamay in ay maalin dhaaf u shaqeystaan isla markaana aysan is bixin Karin lacagta laga doonayo.
Waaxaa ay ku andacoodeen in dhaqaalaha ka soo gala iyo lacagtaan markii is barbar dhigo aanay daboolayn duruudahooda kala duwan ee nolosha.
Dibedbaxa ayaa si gaar ah uga dhacay Waddada Makka Al-Mukarrama gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Taleex iyo Shaqaalaha oo ay jareen isu socodkii Gaadiidka.
Waxa ay wadayaashu sheegeen in lagu kordhiyay lacagta ay ku qaadanayaan ruqsadda kaxeynta (licence) oo laga dhigay $200, qaarkood ayaa tilmaamay in ay u dheer tahay Canshuurta Dowladda Hoose oo dhan Bishii $15.
Qaar ka mid ah oo la hadlay warbaahitna ayaa ka dalabaday maamulka gobolka Banaadir in uu cabashadooda uu wax ka qabto, waxaana ay intaa ku dareen in dhibaato kale ay kala kulmeen ciidamada Amniga oo rasas ku furay inta banaanbaxa wadeen.