Jubbaland ayaa maanta kiis xasaasi ah oo wayn ku heshay laba askari oo ka tirsan ciidamadeeda Daraawiishta, kuwaas oo la ogaaday inay si hoose ula shaqeyn jireen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Maxkamadda ciidamada maamulkaas ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiiska labada askari, iyada oo ku ridday xukun adag, kadib markii ay ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay.
Labada askari ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur, waxaana lagu helay la shaqeynta kooxda Khawaarijta iyo ka iibsashada hubkii dowladda ugu dhiibtay in ay ku difaacaan shacabka maamulka Jubbaland.
Maxkamadeynta askartan waxaa goobjoog ahaa gudoomiyaha maxkamada, labadiisa ku xigeen, xeer ilaaliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland iyo sidoo kale ehellada eedeysanayaasha.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, ayna maxkamadda ku xukuntay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.
Sidoo kale maxkamada ayaa soo bandhigtay qoryihii ay iibsadeen oo ehellada dambiilayaasha ay Jubbaland usoo celiyeen, sida ay sheegtay maxkamadda.
Ugu dambeyn xukunsanayaasha ayaa haysta fursad kale oo ay ku qaadan karaan racfaan, sida uu dhinacyada doodda u sheegay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud oo soo xiray fadhiga maanta.
Horay ayaa sidaan oo kale Jubbaland waxa ay xukuno ugu ridday askar iyo shaqsiyaad kale oo lagu helay inay si hosoe ula shaqeynaayeen kooxaha argagixisada.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa ku xooggan deegaanno ka tirsan maamulkan, waxayna si buuxda u maamulaan gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybo kale oo kamid ah Jubbada Hoose, halkaas oo ay kasoo abaabulaan weeraro ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada.