Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Baledweyne, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa goordhaw ku biiray howlgalka la doonayo in lagu soo afjaro weerar Al-shabaab ay ku gashay waabarigi hore ee saakay hotelka lagu magacaabo Qaahira.
Howlgalkaan ayaa qaatay saacado badan waxaana wali gudaha hotelka Qaahira ka dhex dagaalamaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka qaraxa ku bilaawday ku galay gudaha hotelkaas waabarigii hore ee saakay.
Ciidamada Jabuuti ayaa haatan qorsheynaya sidii ay kusoo gabagabeyn lahayeen howlgalkaan qaatay in ka badan 8 saacadood oo xiriir ah, islamarkaana lagu dilay dad badan oo gaaraya ilaa 6 ruux oo isugu jira Nabadoono, saraakiil iyo dad shacab ah.
Dhismaha Hotelka ayaa haatan u muuqda mid xoogiisa si weyn u burburiyeen qaraxyada iyo rasaasta labada dhinac is weedeersanayeen ilaa waabarigii hore ee saakay.
Xubnaha Al-shabaab ee ka dhex dagaalamaya gudaha hotelka ayaa tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa lix ruux oo aad u hubeysan, waxaana wali adag in si rasmi ah loo soo afjaro howlgalkaas, maadama weerarkaan oo waaberigii hore ee saakay bilaawday uu haatan gabalka u dhici rabo.
Waxaa aad u adag in la helo xogo badan oo la xariira weerarkaan, maadama isgaarsiinta magaaladaasi ay tahay mid hawada ka maqan mudo ka badan 5 saacadood, waxaana xusid mudan in weerarkaan uu si weyn u saameeyay guud ahaan dhaqdhaqaaqa isku socod ee gaadiidka iyo dadweynaha xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana xiran dhamaan wadooyinka muhiimka oo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u hubeysan.