Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay sharci cusub

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah sharci muhiim u ah xuquuqda carruurta iyo dhalinyarada dalka.

Advertisement

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa ogolaaday 139 xildhibaan, halka labo xildhibaan ay diideen, mana jirin cid ka aamustay.

Ansixinta sharcigan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo horay loo qaaday si loo xoojiyo nidaamka caddaaladda ee da’yarta Soomaaliyeed, loogana hortago dhibaatooyinka ay la kulmaan carruurta iyo dhallinyarada dalka.

Sharcigan waxa uu diiradda saarayaa dhowrista xuquuqda da’yarta, helitaanka caddaalad sugan, iyo xeerar nidaaminaya daryeelka iyo ilaalinta carruurta la ildaran duruufaha adag. Waxaa sidoo kale la filayaa in uu xoojiyo habraacyada sharciyeed ee la xiriira ilaalinta xuquuqda carruurta ee la xiriirta dambiyada iyo arrimaha caddaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here