Madaxweyne Saciid Deni “Waxaan rabnaa in amniga iyo nolosha dadka aan la siyaasadeynin marnaba, amnigu siyaasad ma galo,”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa kulan la qaatay Cuqaasha iyo Nabadoonada Gobolka Bari, isaga oo kala hadlay  arrimaha la xiriira hawlgalka ka dhanka ah Daacish iyo halka ay marayaan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyaya ciidamada Puntland qeybta ka ahaa dagaalkii Daacish ee Buuraha Calmiskaad, isaga oo sheegay in waxii maanta ka horeeyay uu cafiyaya dambiyada ay galeen

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay in hadda kaddib aysan dhici doonin qof laga garaabi doono amni darro,isaga oo tilmaamay cidii isku dayda in ay amniga carqaladeyso dhinac loogu soo jeesan doono.

“Ammaan darro cid aan ku xurmeyn doono majirto, mid-dhow iyo mid-dheer ba. Waxaan rajeynaa iskuduubnidaas maanta la muujiyay ciddii isku dayeysa in ay carqaladeeyso in aan meel ugu soo wada jeesanno,” ayuu yiri, Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in aan amniga la siyaasadeen oo lakala saaro, isaga oo tilmaamay in uu amniga siyaasad galin.

“Waxaan rabnaa amniga iyo nolosha dadka in aan la siyaasadeynin marnaba, amnigu siyaasad ma galo,”  ayuu yiri, Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Hadalka Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, ayaa imaanaya xilli uu dhawaan uu ku dhawaaqay hawlgalka wejiga 3-aad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here