DFS oo caddeysay in aysan waxba iska beddelin mowqif horey u gaartay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisey inay garab taagan tahay madax banaanida iyo qaddiyadda dowladda Falastiin, xilli Maraykanka iyo xuluufadiisu ay wadaan qorshe dhulka Gaza loogu wareejinayo Israa’iil.

Wasir dowlaha Arimaha dibada Soomaliya xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad, ayaa waraysi uu bixiyey ku caddeeyey inaysan Soomaaliya bedelin mowqifkeedii ku aadanaa in Falastiin hesho madax banaani iyo dowlad ka talisa daneheeda gaarka ah iyadoo aan cidna looga haybaysan inay dhulkooda sharaf ugu noolaadaan.

“Soomaaliya waa dal aysan cabsi ka hortaagnaan waxyaabaha qaar inay ku dhiirato, dadka Falastiin oo si daran loo dhibaateeyey inaan garab istaagno waa waajibaad na saaran, waana wixii ay iyagu samayn lahaayeen, golaha ammaanka, ururka Carabta ayaan ka mid nahay waana danaynaynaa inaan saaxadaha siyaasadda aad uga garab istaagno”, Ayuu yiri wasiir Cali Bal-cad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan ka baaqsaday shir weyne ay dalalka Carabtu uga arrinsanayeen xaaladda Gaza, waxaana taas bedelkeeda ka qaybgalay wafti uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Bare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here