Diyaaradda Egypt Air ayaa maanta oo Jimco ah baajisay Safarkeedii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii ay saamayn ku reebtay digniintii Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxday Egypt Air ayaa lagu sheegay in safarkeedii maanta ee Magaalada Muqdisho uu baaqday, waxaana ay dadkeeda ku wargelisay in ilaa amar dambe in uu socdaalkeeda baaqashadaas kusii jiri doonna.
“Wargelin, dhammaan Rakaabkeenna waxa aan ku wargelineynaa in 7da Maarso 2025 oo Jimcaha ah in uu baaqday safarka MS 874 wixii faah-faahin ah kala xariir Xafiiskeenna” Ayaa lagu yiri qoraalka Egypt Air.
Qoraalkii dhowaan kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee muujineysa in ay jirto Cabsi ku saabsan in ‘AS’ ay beegsan karto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Muqdisho, Xarumo Dowlad, Hoteello, Kontoroollo iyo meelo kale.