Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay diyaaradaha joojiyay duulimaadkii Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Salaadda Jimcaha kula tukaday masuuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka. Kadib salaadda, wuxuu ka hadlay xaaladda amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay guulaha ay Ciidamada Qaranka ka gaareen howlgalada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka iyo dowladda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay faafinayaan argagixisada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay mareyso heerkii ugu wanaagsanaa ee dhanka amniga ah, balse wuxuu xusay in aysan la aqbali karin hakadka ku yimid duulimaadyada shirkadaha caalamiga ah maalmihii lasoo dhaafay. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid u baahan xal degdeg ah si loo fududeeyo isku socodka gudaha iyo dibadda ee shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu beeniyay jiritaanka Qatar amni wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed midnimo iyo In ay taageeraan Ciidanka.

Diyaaradaha Turkish Airlines, Masar iyo kuwa kale ayaa joojiyay duulimaadkii Garoonka Muqdisho ka dibna markii Safaarada Mareykanka ay soo saartay digniin amni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here