Iyadoo Talaaladadii lasoo dhaafay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho soo saartay fariin ay uga digeyso muwaadiniinteda ku sugan Soomaaliya weeraro argagixiso oo ka dhici kara goobo badan oo ku yaala Muqdisho oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Digniintaas ayaa markii ay soo baxday waxaa durba hakad uu ku yimid howlahii duulimaad ee shirkadaha diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines, kuwaas oo si ku meel gaar ah u joojiyay duulimaadyadii ay ku imaan jireen Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay ineysan dalka ka jirin wax khatar ah amni ah oo ay u hakan karaan duulimaadyada Caalamiga ah ee Muqdisho yimaada.
“Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyada Shirkadaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines ay kaga baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah, waana helna xogaha amaanka iyagoo dhameystiran” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.
Wasiir Fardowsa oo wareysi siineysay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiisey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho ayna sheegeen in digniinta ay la kulmeen darteed u hakiyeen duulimaadkoodii Muqdisho.
“Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn, marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansaleen, balse ugu dambeyntii waay naga aqbaleen” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.
Wasiiradda ayaa sidoo kale xustay in marka laga reebo diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines in duulimaadyada kale ee Caalamiga ah ay sidooda u yimaadaan Muqdisho sida duulimaadyada Itoobiya, Masar iyo Uganda, islamarkaana labadaan shirkadood ee duulimaadyadooda hakadka galiyay dib u bilaabi doonaan howlahooda maalamaha soo socda.